Dawlada Maraykan ayaa qorshaynaysa sidii deeqaha dalka Ethiopia ay siiso uga joojin lahayd sababo laxidhiidha Biyo-Xidheenka Abay ee masar iyo Ethiopia isku haystaan.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald J.Trump, ayaa kuwargaliyay kaaliyayaashiisa Aqalka Cad inuu doonayo in deeqaha Ethiopia uu jaro maadaama ay ka caga-jiidey in heshiis lagagaadho dalka Masar dhinaca khilaafka biyo xidheenka Abay. Sidookale warkan waxaa iyana soobandhigay xubno katirsani Aqalka Congress ka, sidaanu kasoo xiganay wakaalada Wararka ee FP, oo sooxiganaysa madax katirsan maamulka Trump.
Wararka waxay intaas kudarayaan inay jiraan shirkado u o’laleeya danaha Ethiopia oo iskudayay in arintan baajiyaan, iyadoo xubno Aqalka Congress-kuna muujiyeen inaysan raali ka ahayn in dalka Ethiopia deeqda lagajaro xiligan.
Sidaasoy-tahay, waxaa lawada aqoonsanyahay in Donald Trump uuyahay madaxweyne tiisu meel-marto, isagoo usiidheertahay inuu xataa xanaaq kamuujiyay Billadii Nabada ee Nobel-ka ee Abiy lasiiyay, sheegayna inuu isagu(Trump) kaga-haboonaa abaal marintaas.