Ogaden Online waxa ay idin soo bandhigaysaa faallo uu diyaariyay Ismaaciil Cali Ismaaciil, oo la xidhiidha kacdoonka Oromada oo uu ku tilmaamay kacdoon laba marxaladood maraya. Hoos ka aqriso nuqulka qoraalkan, waxii su’aalo ah ama xidhiidha waxaad qoraaga kala xidhiidhi kartaan emailkiisa gaarka ah ee ismciilcali@gmail.com

Faallo: Kacdoonka Oromiya (wajigiisii 1aad, kan 2aad iyo arrimo kale oo muhiima).

By: Ismaaciil Cali Ismaaciil

Gogol-dhig:

Guud ahaan Itoobiya, Oromadu waa qoomiyadda koowaad dad ahaan, dhul ahaana waa qoomiyadda labaad. tirakoobkii ugu dambeeyey (2007) waxaa lagu sheegay inay dadka Oromadu yihiin 34.4% tirada guud ee dadka Itoobiya, wayse ka badnaan karaan. Juquraafi ahaan, Oromadu waxay dagan-yihiin ubucdii ama xuduntii dalka oo ay caasimaddu (Finfinnee/Addis ababa) kujirto, waxayna xuduud la wadaagaan lixda ismaamul ee kala ah; Axmaarada, Soomaalida, Binishangulka, Canfarta, Gambeelaha iyo shucuubta koonfureed iyo Herarida oo kuba dhex-jira. Diin ahaan, dadka Oromadu 50% waa muslimiin, halka ay 30% ka-yihiin Christian (inta soo hadhayna waxay haystaan diimo kale).

Itoobiyadan casriga ah oo ay xuduudaheeda dhuleed iyo qalfoofkeeda dowladeed dhamaystirmeen Qarnigii 19aad iyo kii 20aad ayaa waxay dhibaatada ugu wayni kasoo gaadhay dadyowga Oromada iyo Soomaalida (Ogaadeeniya).

Inkasta oo ay qarniyaal soo taxnayd dhibaatada dadka Oromiya ay ku hayeen xoogaga Abasiiniyiinta ah haddana markaan usoo laabanno nidaam-yadii isaga dambeeyay Itoobiyada casriga ah oo ay ugu horrayso Boqortooyadii uu hoggaaminayay aas’aasihii dalka maanta Itoobiya loo yaqaanno Boqor Menelik II (1889 – 1913), lagu xijiyo tii haile selassie (1930 – 1974), lagu xijiyo xukunkii Askarta ee Col. Mengistu haile mariam (1974 – 1991) ilaa laga soo gaadho xukunkii EPRDF/TPLF (1991 – 2018) ee Federalka iyo dimuqoraadiyadda lagaga been sheegay waxay dadka Oromadu ahaayeen kuwo dagaal ku socdo ahaan-shahooda ummadeed iyo lahaan-shahooda dhuleed labadaba.

Dagaalkaa lagu qaaday dadka Oromada, waxaa tusaale innoogu filan inay magaalada Finfinnee (Addis ababa) dadka kunool kayihiin oo kaliya 19%; halka ay Axmaaradu katahay 47% – 50%, innagoo dhinaca kale og’ inay Finfinnee tahay xuduntii dhulka Oromiya sidaa awgeed ay ahayd inay noqdaan qoomiyadda ugu badan ee caasimadda daggan.

Haddaba, haddaan intaa ku dhaafno gogol-dhiggaa, waxaynu si kooban u’eegi; wajigii 1aad ee kacdoonka Oromiya, guulihii uu xaqiijiyay iyo wixii ka khaldanay.

Wajigii Kobaad ee kacdoonka Oromada

Cadho iyo nacayb gaamuray oo ka dhashay gumaysigii, cadaadiskii iyo gacan’bidixayntii nidaam dowladeedka Itoobiya ee muddada dheer, kacaanka tiknaloojiyadda casriga ah iyo waayo’aragnimo laga dhaxlay kacdoonkii shucuubta carbeed (gu’gii carabta) dhexdooda waxaa ka abuurmay dareen isbadal-doona oo sababay inuu dhismo dhaq’dhaqaaq urur dhalinyaro oo ay ku midaysan’yihiin dhalinyarada Oromadu, gude iyo dibad ba.

Dhaq’dhaqaaqaa dhalinyaro oo uu hormuud u ahaa Jawaar Maxamad (saxafi, u’ol-oleeye xuquuqda dadka Oromada, siyaasi iyo Aas’aasaha warbaahinta Oromia Media Network (OMN) wuxuu halgankiisa nabadeed ku billaabay ol’ole dhinaca baraha bulshada ah iyo mudaharaadyo goos’goosa oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ka billowday, wuxuu se aad u xoogaystay sanadihii 2016’dii iyo 2017’dii.

Kacdoonkaa muddada socday iyo gacantii birta ahayd ee xukuumaddii TPLF hoggaaminaysay waxaa ka dhashay khasaare isugu jiray dhimasho, dhaawac, barakac baahsan, xadhig wadareed iyo hoos-udhac dhaqaale. Xukuumaddu ugu yaraan laba jeer (October 2016 ilaa June 2018)) ayay dalka oo dhan kusoo rogtay xukun dag-daga.

Ugu dambayn, wuxuu kacdoonkii shucuubta Itoobiya oo ay Oromo hoggaaminayso jilbaha dhulka ugu dhuftay nidaamkii arxan-laawaha lahaa ee shuuciga ahaa ee TPLF hoggaaminaysay, waxaana bishii February 2018 iscasilay R/Wasaare Hailemariam Desalegn, laba bilood kadibna (April 2018) waxaa markii ugu horraysay taariikhda xafiiska ugu sarreeya ee dalka loo dhaariyay R/Wasaare kasoo jeeda qoomiyadda Oromada, Abiy Ahmed.

Maxaa kamida guulihii uu xaqiijiyay wajiga 1aad ee kacdoonku?

Wajiga hore ee kacdoonku wuxuu xaqiijiyay guulo la taaban karo oo ay mahadiyeen dhammaan shucuubta Itoobiya, gaar ahaan qoomiyadaha ku hoos dulman nidaamka dowladeed ee Itoobiya oo ay ugu horreeyaan Oromada iyo Soomaalida. Waxaa kamida guulahaa: in gacantii Tigreega laga saaray awooddii hay’adaha dowladda dhexe; in la qaaday xukunkii dag-dagga ahaa; in oodda laga qaaday maxaabiistii siyaasadeed; in albaabada loo xidhay qaar kamida xabsiyadii dadka lagu jidh-dili jiray; in la’laalay xeerar lagula dagaalami jiray ururada mucaaradka ah iyo saxaafadda xorta ah; in albaabada loo furay qurba-joogtii Itoobiyaanka ahayd iyo ururadii mucaaradka ahaa oo ay dalka dib ugu soo laabtaan isla markaana loo ogolaaday inay si nabad-galiyo ah mabaadii’dooda iyo afkaartooda siyaasadeed uga iibin karaan dadkooda meeshii ay doonaan ee dalka kamida (kacdoonku mucaaradka fursadbuu u abuuray laakiin ururadu kamayna faa’iidaysan oo wax heshiisa mayna la galin xukuumadda); iyo guud ahaan in dalka laga dareemay neecoow xorriyadeed iyo nabadeed laakiin nugul ama heehaabaysa oo aan cago adag ku taagnayn.

Sidoo kale, waxaa neecowdaa isbadal ee Itoobiya laga dareemay dalalka gobalka, gaar ahaan wuxuu saamayn togan ku yeeshay dalalka Eritrea iyo Soomaaliya.

Maxaa khaldamay?

Aragtidayda, khaladka ugu wayni wuxuu ahaa kacdoon-wadayaasha Oromiya oo ku sirmay ‘magaca iyo isirka oromanimo’ isla markaana aqbalay inay midhihii halganka dhalinyarada Oromiya ku aaminaan xisbi dabadhilifa oo 27 sanadood dadkiisa xasuuqayay (OPDO), gaar ahaan Abiy ahmed oo marka taariikhdiisa iyo xirfaddiisa la fiiriyo aan sinaba u mutaysan inuu hoggaamiyo isbadal noocan oo kale ah.

Maxaa sababay Wajiga 2aad ee kacdoonka Oromiya?

Way badnaan karaan sababuhu laaakiin waxaan kusoo koobaynaa:

1. Falsafadda Medemer (isku-darsi)

Falsafada Abiy Ahmed iyo yagleeliddii xisbiga Barwaaqo (prosperity party) ee dhammaadka sanadkii hore (2019). hormuudka kacdoonka Oromiya iyo badi shucuubta ki hoos dulmanaan jirtay nidaamka Itoobiya waxay u arkaan falsafadda ‘Medemer’ mid wiiqaysa ama meeshaba ka saaraysa nidaamka Federalka ee qoomiyaha ku dhisan isla marlaana khilaafaysa Dastuurka dalka, gaar ahaan qodobka 39aad oo sugaya xaqa aayo’katashiga ee qoomiyadaha (ilaa heer gu’itaan) iyo qodobka 88aad.

Waxaa loo arkaa in falsafadda Isku-darsi ay abuurayso nidaam is-xukun-dhexe oo awood badan.
Jawar Maxamad, wuxuu qabaa inuuna xumayn nidaamkii EPRDF laakiin si xun loo isticmaalay sidaa awgeedna loo baahan’yahay oo kaliya; (b) in EPRDF la ballaadhiyo oo halkay afar xisbi ka koobnayd lagu soo daro dhammaan xisbiyada sagaalka ismaamul (Sidaamo ayaa dib kasoo biirtay oo ismaamulka 10-aad noqotay), iyo (t) in laga run sheego nidaamka Federalka ee qoomiyadaha ku dhisan oo ismaamulada la siiyo madaxbannaani ismaamul oo dhamaystiran isla markaana xuquuqda heer Federal si caddaalada loo qaybsado, iyadoo qoomiyad walba loo tixgalinayo tirada dadkeeda, baaxadda dhulkeeda iyo khayraadkeeda.

2. Tuhun sii xoogaysanaya oo ay dadka Oromadu qabaan oo ah inuu R/wasaare Abiy guntiga ugu jiro qowmiyada Axmaarada isla markaana tartiib-tartiib uga sii fogaanayo aragtidii isbadalka iyo rabitaanka dimoquraadiya ku dhisan nidaamka Federalka ee qoomiyadaha.

3. Iskudaygii xukuumadda ee ahaa in Jawar Maxamad laga wareejiyo ilaaladiisa khaaska ah (October 2019), taasoo abuurtay qalalaase iyo rabshado sababay dhimashada 86 qof iyo Jawar oo xilligaa wixii ka dambeeyey ku dhiiraday dhaliilo toosa oo uu jeediyo R/wasaare Abiy iyo siyaasaddiisa isla markaana ku biiray xisbiga Oromo Federalist congress (OFC).

4. Ugu dambayn, waxaa arrintii faraha ka saaray dilka hobalkii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa (29 june, 2020) iyo tallaabadii xukuumadda ee xigtay sida; xadhiga baahsan ee madaxda mucaaradka iyo awood u adeegsiga dibad-baxayaasha.

Yaa ka dambeeyey dilay Fanaan Hachalu Hundessa?

Ilaa hadda lama caddayn ciddii ka dambaysay dilkiisa, xukuumadduna wali wax natiijo ah kama soosaarin baadhitaan ay sheegtay inay waddo Laakiin waxaa jira tuhun ay qabaan dadka Oromada ah qaarkood kaasoo farta ku fiiqaya koox Axmaaro ah oo xag-jira.

Maxay xukuumaddu u diidday in Hachalu Hundessa lagu aaso Addis ababa?

Sidaan kor ku xusnay waxaa jira loollan iyo kala sheegasho la xidhiidha la’haanshaha caasimadda Finfinnee/Addis Ababa oo ka dhex aloosan labada qoomiyadood ee Oromada iyo Axmaarada. Sidaan hore u xusnay Axmaaradu waxay ku badan-tahay daganaanshaha magaalada (ku dhawaad 50%) halka Oromaduna ku hareeraysan yihiin magaalada, qayb ahaana daggan-yihiin.

Haddaba, haddii lagu qaban lahaa Aaska iyo baroor-diiqda hobalka magaalada Finfinee waxaa hubaala inay mawjado dhalinyaro Oromo ah oo cadhaysani kusooo shubmi lahaayeen magaalada Finfinnee, halkaasna isugu soo bixi lahaayeen ugu yaraan hal milyan oo dad una badan taageerayaasha mucaaradka, taasina waxay abuuri lahayd:
1. Inay cirka isku shareerto xiisadda labada qoomiyadood ee salka ku haysa lahaanshaha Addis Ababa iyo dilka fannaanka, taasoo abuuri kartay halis nabad-galiyo oo wayn iyo inay is beegsadaan dhalinyarada labada qoomiyadood isla markaana arrintu ka farabaxdo hay’adaha amniga.
2. Inay mucaaradka iyo kacdoon wadayaasha Oromiya helaan fursad-wayn oo ay kusameeyaan dhuulatus awoodeed, lagana yaabi lahaa inay xukuumadda culays ku saari lahaayeen dalabaad ayna hadda diyaar u ahayn inay ka jawaabto.

Maxaa dhicikara?

Ka hor intaynaan xusin odoroska wixii dhicikara, aan hoosta ka xariiqno inay go’day tuntii isku haysay Abiy ahmed iyo kacdoon-wadayaashii Oromiya isla markaana ay is macasalaameeyeen.

Suurtagalnimada wax-yaabaha dhicikara oo badnaan karaa waxaan kusoo koobaynaa laba:

1. In xaaladda si uun loo dajiyo oo waan-waan la furo, lasoo daayo madaxda mucaaradka, dadka wuxuun lagu dajiyo, isla markaana lasii wado geedi-socodkii xilliga kala-guurka ah ilaa laga gaadhayo doorashada. Suurtagalnimadani waa tan ugu khasaaraha yar ee dhicikarta. Waan-waantu waxay noqon kartaa mid katimaadda dalka dibaddiisa sida dowladaha reer galbeedka ama waxay noqon kartaa mid maxalli ah.

2. In xukuumaddu ku adkaysato go’aamadeeda kuna sii dhiirato adeegsiga awoodda iyo cadaadiska dadka, taasina ay dadka Oromada ku riixdo wax-iska-caabin hubaysan iyo gacan ka hadal. Tani waxay Itoobiya u horseedaysaa dagaal sokeeye oo umulo-dooxa oo lagu eedeeyo xoogag dibadeed iyo kuwa maxaliya, waana suurtagalnimada ugu khasaaraha badan.

Maxaa la gudboon Soomaaligalbeed (Ogaadeeniya, DDS)?

Dadka reer Soomaaligalbeed waxay 27kii sano ee lasoo dhaafay ku jireen xaalad lagu tilmaami karo ‘Cadaab’ si kaduwan qoomiyad walba oo kale laakiin labadii sano ee ugu dambeeyey waxay ku sugnaayeen xaalad dhibaato kasoo duudsi iyo ku-kaw-kab nabadeed ah. Waxaa deegaanka lagu amaanay nabad-galiyo iyo xasilooni siyaasadeed oo uu kaga wanaagsanaa inta badan Itoobiya.

Haddaba, iyadoo ayna siyaasadda deegaanku marnaba toos u khilaafikarin tan guud ee xisbiga talada hayaa (PP) uu dalka ku maamulayo, haddana waxaa la gudboon Soomaalida:
1. Inay ka fogaadaan ku dhexmilanka loollanka qoomiyadaha iyo khilaafaadka siyaasadeed ee Itoobiya ka aloosan isla markaana dantooda si xikmadaysan u waardiyaystaan; iyo
2. Inay xilligan muhiimka ah midoobaan mucaarad iyo muxaafadba, kana shaqeeyaan midnimada dadka iyo adkaynta nabad-galiyada isla markaana u diyaar garoobaan wax kasta oo dhicikara.

Qalinkii Ismaaciil Cali Ismaaciil

Email: ismciilcali@gmail.com

Fiiro Gaara: Qoraalkan waa fikir gaar u ah qoraaga, waxii su’aal ah ama mahad naqa waxaad ugu aadin kartaan emailka Qoraaga. Ogaden Online masuul kama aha, xogta iyo aragtida qoraagu soo bandhigay.