Waxaa isasoo taraya dayrada xaalada Soomaaliya kadib markii gudiga doorashooyinka madaxa banaan shaaciyeen inayna doorashada kuqaban Karin wakhtigii loo asteeyay oo ku beegan bisha November.

Gudigu wuxuu soo bandhigay labada nooc ee ugu sahlan oo ay kuqaban karaan doorashada cod iyo qofka ah. Labadaas nooc oo ay u kala qaadaan midka kowaad, in la adeegsado isticmaalka nidaamka casriga ah ee kusalaysan “biometric” noocan waxaa loo baahan cod bixiyayaasha ladiiwaan galiyo, miisaaniyad badan, wakhti badan iyo howl badan ayayna u baahantahay. Gudigu waxay sheegeen sifo doorashada noocan ah ay uqabtaan waxay ubaahanyihiin uguyaraan mudo 13 bilood ah oo kabilaabanaysa bisha July.

Nooca kale waa in cod bixiyayaasha lagu diiwaan galiyo isla goobta codbixinta wakhtiga muwaadinku codkiisa dhiibanayo waxayna gudigu sheegeen inay qabtaan doorashada noocan ah inay ubaahanyihiin 9 bilood oo kabilaabanaysa bisha July.

Dibu dhigista doorashooyinka waxaa qaadacay mucaaradka dalka iyo sidookale Dawladaha Xubnaha ka ah Dawlada Dhexe oo kutilmaamay mid sharciga dalka aan waafaqsanayn. Waxaa sidoo kale, maanta waraaq ay kutilmamayaan mid sharciga baal marsan soosaaray aqalka sare ee Baarlamaanka.

Arrimahan kore waxay sii murjiysay xaalada cakiran ee ku aadan suurtagalnimada doorasho dalka kadhacda wakhtigii loo asteeyay. Waxaa jiray kulan dhaxmaray axsaabta siyaasada iyo gudoomiyaha Baarlamaanka.

Kulankaasi wuxuu daaraa arinka dibudhigista doorashada, kulankaasi kadib Gudoomiye Mursal wuxuu hakad galiyay doodii Baarlamaanka ee ay soojeediyeen gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka isaga oo kusababay in lahakiyo qodobkan ilaa inta saamilayda siyaasadu kaheshiiyaan nooca doorasho ee dalka kaqabsoomikara iyo arinka wakhtiga doorashada. Ilo xog ogaal ah waxay tibaaxayaan in Axsaabta mucaaradku ugu baaqeen Gudoomiye Mursal inuuna horseedin burbur iyo qulqulatooyin dib wadanka ugu celiya qalalaasihii dalku kasoo kabtay.

Waxaa nasiibdaro kutilmaamay Madaxwayne Farmaajo oo inbadan kasoo shaqeeyay arinkan dibudhigista doorashada waxayna markale mugdi galisay hindisihii dowlada Madaxwayne farmaajo ku rabeen in mudo 2 sana ah ku kordhisataan wakhti-xileedka.

Waxaa sidookale soo ifbaxay khilaaf sookala dhaxgalay Madaxwayne Farmaajo iyo Raysalwasaare Xasan Cali Khayre. khilaafkaasi waxaa ku aadan yahay sida loo maareeynayo mudo korodhsiga wuxuuna Khayre ku adkaysanayaa in wadanka ay kadhacdo doorasho wakhtigeedii kudhacda.

Warar lagu kalsoonyahay oo kasoo baxaya madaxtooyada ayaa tilmaamaya rabitaanka Madaxwayne Farmaajo uu kudamcsanyahay in uu Mucaaradka kuqanciyo inay qaataan Raysalwasaaraha ogolaadaana mudada labada sano ah. Waxaana la saadaalinaya arrinkaasi inuu sii cakiri khilaafyada jira, waxayna ubadantahay inuu Khayre ku adkaysto siijoogitaankiisa. Wararku waxay sheegayaan inuu Khayre taageero xoogleh kahaysto Aqalka sare iyo Maamul Goboleedyada waana mida usahlaysa inuu ubabac dhigo culayska uga imaanaya Xafiiska Madaxwaynaha.