Dawlada Eretria oo Sheegtay In Heshiiskii Ethiopia Lagashay Aysan waxba Sookordhinin.
Dawlada Eritrea ayaa sheegtay in laba sano kadib heshiiskii ay itoobiya wadagaleen inuusan dhaqangalin,wixii laga rajaynayayna uusan kasoobixin.
Heshiiska labada dal ayaa kii uu Aby Ahmed ku mutaystay abaalmarintii Nabada ee Nobel-ka.
Waziirka warfaafinta Eritrea ayaa yidhi ” kadib heshiiskii aanu la saxiixanay Itoobiya, ciidamadii Itoobiya wali dhulkayagii sidiibay u joogaan, ganacsigii labada dalba sidiibay ucuryaan sanyihiin” wuxuu waziirku intaa raaciyay ” heshiiskan noodhexeeya waxaa kuxeeran cabsiyo waaweyn oo gudaha iyo dibadaba ka imanaya”
Hadalkan dawlada Eretrea oo looqaadankaro in xidhiidhka labada wadan wax udhimi karo ayaa culayskale kunoqondoona dawlada Ethiopia oo ladaalaa-dhacaysa kacdoonka Oromada kaga furan iyo muranka biyo xidheenka Abay.