Banaanbaxyada Qowmiyada Oromadu wadaan ee ka dhashay dilkii loo gaystay Abwaankii caanka ahaa ee Hachaalu Hundeesaa iyo falcelisikii dowlada dhexe ee Itoobiya hakadka ku galisay adeegyada Internetka ee dalka, baa saamayn xoogan oo dhinac nololeed iyo dhaqaalaba ku yeeshay shucuubta Soomaaliyeed ee deegaanka Soomaalida. Ganacsiyo badan oo kajiray deegaanka ayaa xidhmay halka isku socodkii Deegaanka soomaalida iyo dalka Itoobiya intiisi kale istaagay marka laga reebo oo kaliya safarka dayuuradaha ee isku xidha Jigjiga iyo Addis Ababa.

Maxamad Faarax oo ah ganacsade ree jigjiga baa u sheegay Ogaden Online, in ganacsigiisii albaabadu u laabmay kadib markii uu waayay adeegii internetka kasoo ganacsigiisu ku tiirsanaa. Waxuu intaas ku daray in ganacsigii qaadka, khudaarta iyo noocyadii kalee ka iman jiray dhulka Oromada gabi ahaanba istaageen taas oo saamayn badan ku yeelatay dadkii ka shaqaynsan jiray ganacsiga noocaas oo kale ahaa. Adeeg badan oo ganacsatadu lahayd baa ku xayiran deegamada Oromada iyo Itoobiya, waxaana ka cabsi qabaa ayuu yiri Maxamad, in rabshadahan ay lamid noqdaan kacdoomadii hada ka hor ka dhacay dalka Itoobiya sanadkii 2016 illaa 2018.

Internetka dalka laga jaray waxakaluu saameeyay, xawaaladaha oo ah goob ay bulsho badan oo ku nool deegaanka soomaalidu noloshoodu ku tiirsantahay. Axmad Maxamad oo ah aabo 3 ilmood haysta ayaa Ogaden Online uga waramay, xaalad adag oo lasoo daristay. Waxuu sheegay in bishan dhaqaalihii uu ka heli jiray eheladiisa ku nool qurbaha uusan ilaa hada helin, xawaaladii loogu soo dirayna waxay u sheegtay inaysan fiirin karin in lacag u taalo iyo inkale toona.

Xogag rasmiya oo Ogaden Online heshay baa waxay ku oggaatay in qoysas badan oo ku nool deegaanka Soomaalida inay xuduudka Soomaaliya u talaabaan, sida wajaale,  in lacagta loogu diro, xawaaladaha halkaas kalasoo baxaan. Taas oo kordhisay tirada dadka  isusocdaalaya waqti lagu jiro xaalad adag oo xanuunkii Covid19 ka jiro dalka Itoobiya.

Sidoo kale Internetka laga jaray dalka Itoobiya, waxuu abuuray inuu jaro xogihii muhiimka ahaa ee lakala qaadan jiray. Waxaa kala go’ay bulshadii qurba joogta ahayd iyo qoysaskoodi ku sugnaa dalka. waxa kale oo xogtan saamayn ku yeelan kartaa xakamaynta xanuunka covid19 iyo waliba cabsi badan oo ku abuurmaysa bulshadii maadama oo aysan xidhiidh ka heli karin dadkooda ku sugan goobaha qalalaasuhu ka jiraan gudaha Itoobiya.

Xukuumada Itoobiya waxaa caado u ah, in markasta oo rabshado ka dhacaan dalka inay miciin bido, hakinta adeega internetka si ay markaas ula daggaasho dadka kacdoonka wada. Tusaale ahaan Jigjiga oo ah goobta kaliya ee deegaanka soomalida haysata adeeg quman oo internet ah, waxaa lagu xasuustaa in August 2018, dowlada Abiye ka jartay dhamaanba isgaadhsiinta internetka si ay u maquuniso rabshado ka dhashay qabashadii Madaxwaynihii dowlad deegaanka ee waagaas.

kacdoomadii Oromada ee waqtiyadii u dhaxeeyay 2016 illaa 2018 marar badan waxay dowladu jartay adeega interneetka. Dowlada Abiye waxaad hada mooda inay talaaboyinkaas hore ee dowladii ka horaysay samayn jirtay inuu dariiqoodii dabada sii haysto taas oo halis ku noqon karta xukunkiisa, waxaa fikirkaas qaba dad taxliidin ku sameeya siyaasada Itoobiya.

Caasimada deegaanka Soomaalida, waa xarun ganacsi oo ganacsato badan oo Itobiyaan gobolo badan kasoo jeedaa isugu yimaadaan, waxaana jid u ah gobolka Oromada oo ah jidka kaliya ee isku xidha Soomaalida iyo Itobiya inteeda kale gaar ahaan Addis Ababa. Hada Dowlada Dhexe waxay ku dhawaaqday sida la sheegayo, in si tartiib ah loo furayo isusocodka iyo ganacsiga magaalada Addis Ababa, si noloshii caadi ugu soo laabato, balse waxaan la oggaan karin ama xog rasmiya laga hayn xaalada gobolka Oromada, maadama oo Internetkii dalka oo idil ka maqanyahay.

 

Kala soco wararka Deegaanka Soomaalida Shabakada Ogaden Onlin.