Hay’da Qaramada-Midoobey uqaabilsan xuquuqda aadamaha ayaa cadaadis kusaaraysa xukuumada Abiy Ahmed inay fasaxdo dibad baxyada, internet-kana ay sibuuxda ufurto.

Xeel-dhewrayaal katirsan qarmada midoobay ( UN-ta) ayaa sheegay in dhimashada, xidhayga iyo bur-burka dalka soogaadhay mudadii kadambeysey dilkii Hachaalu aytahay mid aan laqiyaasikarin. Waxay intaas kudareen in ay adagtahay in lasheego tirade dhimashada iyo xidhayga madama dawladu jartay is-gaadhsiinta iyo adeega internet-kaba.

Kacdoonka Oromo, oo dhinaca gudaha dalka adagtahay halista Wararka kusaabsani, ayaa siwayn looga dareemayaa dibada Dalka, iyadoo isbuuci hore uun ay ahayd markii magaala madaxda Maraykanka,Washington DC jidadka waawayn oodhan looxidhay dibadbaxayaasha Oromo oo meelo badan kasookala safray. Sidookale waxay akhbaarta kacdoonka Oromo sijoogta ah ugu soo baxaysaa bogoga hore ee warqaadayaasha ree Galbeedka, idaacadahooda iyo TV-yadaba.

Hay’adan Qaramada Midoobey waxay kacodsatay dawlada Abiy inuu sidookale baadho, soona qabto dadka ku lugta lahaa dilalka iyo xadgudubyada kale ee dalka kasocda.

Mudaharadka oo halkiisii kasoconaaya wuxuu siwayn u waxyeeleeyay dhaqaalihii dalka. Sidookale wuxuu dhaawac wayn ugaystay subcadii Abiy Ahmed, rajadii isbadalka dalka, iyo aaminadii dawladiisa laga qabay.