Jug-jug meeshaada joog” RW Abiy Ahmed wuxuu taagan yahay halkii uu kasoo bilaabay maalintii uu Hailemariam Desalegn iscasilay.

WQ; Shafi Adamwaris Osman.

Inta aana gudagalin ujeedka qoraalkayga horta Lixdan Abiy Ahmed keebaa ah Abiy Ahmed-ka runta ah?

Abiy Ahmed Oromo ah vs Abiy Ahmed axmaar ah
Abiy Ahmed Muslim ah vs Abiy Ahmed Christian ah
Abiy Ahmed kii nabada vs Abiy Ahmed-kan dilaaga ah

RW Abiy Ahmed yaraantiisii wuxuu kubiiray ciidanka militariga itoobiya uu kamid ahaa sanadihii 1991 ilaa 2010 kii, wuxuu kagaadhay darajada lieutenant colonel, waa sanadihii xasuuqa oogu badan gumaysigu u gaystay shacbiga deegaanka Soomaalida, wuxuu soo noqday madaxa sirdoonka Ethiopia, waxaa kale oo uu soo noqday wasiirka ‘science and technology’, wuxuu xubin aad u firinfircoon ka ahaa xukunkii dhiigyacabka ahaa ee Males Zinawi.

Loolanka siyaasadeed ee u dhexeeya qowmiyadaha dalka oo midwaliba doonayso inay inta kale cunto “the state of nature where the strong one eats the weak” ayaa Dawlada qarsoon ee Ethiopia sida dhabta ah u xukunta “the deep state” soo xushay in Mr Abiy noqdo hogaamiyaha dalka maadaama uu yahay nin wajiyo badan oo matali kara oromada iyo axmaarada, marna muslimka iyo masiixiyada, magaciisa Abiy wuxuu labaxay markuu qaatay diinta masiixiyada Ahmed-na waa magacii Aabihii oo ahaa nin muslim oo qowmiyada Oromada u dhashay, dadka Ethiopia waxaa loo tusay inuu yahay halyey isbadelkeenay! Dawladaha gobolka waxaa loo tusay inuu yahay nabadoon qaarada madaw usoo baxay wuxuuna bilawgiiba qaaday talaabooyin lagu diirsaday oo dawlada qarsooni u dhiibatay.

Wuxuu la heshiishay dawlada Eriteria oo khilaaf xoogan kala dhexeeyay, wuxuu laalay sharcigii ladagaalanka argagixisada oo lagu qaadi jiray kolba qofkii siyaasada dawlada ka horyimaada ama looga shakiyo inuu xidhiidh laleeyahay mucaaradka, wuxuu la heshiiyay dhamaan mucaaradkii shuruud la’aan, wuxuuna siidaayay dhamaan maxaabiistii dulmiga u xidhnayd, aduunka oo dhan ayaa soo dhaweeyay talaabooyinkaas wanaagsan ee uu qaaday waxaana lagu abaalmariyay jaa’isada “Nobel peace price” abaalmarinta nabadda.

Hadaba Su’aasha iswaydiinta mudan waxaa weeye maxaa isbadalay?
Dhamaan heshiisyadii uu galay majiro hal heshiis oo sidii uu ahaa u fulay!
Heshiiskii Eriteria, heshiisyadii ururadii mucaaradka, heshiiskii Masar uu Abiy saxaafada horteeda ka dhaartay….

Iyadoo ay jirto kalsoonida sii yaraanaysa ee shacabka ree Ethiopia u qabaan hogaamiyaha dalka ayaa la dilay fanaankii caanka ahaa ee Haacaaluu Hundeessa, dibad baxayaal ka cadhaysan dilkaas fooshaxun iyo cadhooyin isbiirsaday ayaa ka bilaabmay gobolka Oromada iyo qaybo kamida dalka sida Addisababa, Dirdhaba iyo Harar, mudaharaadadaas ayaa markii danbe rabshado iyo qulqulatooyin isu badelay kadib markii dawladu rasaas nool nool la dhacday dad shacab ah oo mudaharaadayay.

Waxaa arinta baasiin kusii daray kadib markay dawladu xidhay siyaasiyiintii Qoomida Oromada oogu taageerada badnaa, uu kamid yahay Jawhar Maxamad, Bekele, Daud Ibsa iyo siyaasiyiin tiro badan oo kale.

Hada wadanku wuu kala xidhanyahay, mudahaaradii ma istaagin, khadkii internet-ku wuu go’anyahay, hogaamiyayaashii oromadu way xidhanyihiin “jug-jug meeshaada joog” wuxuu taagan yahay halkii uu kasoo bilaabay maalintii uu Hailemariam Desalegn iscasilay, “gacan xatooyo baratay xataa hadii la gooyo gumud kaa dhaqdhaqaaqa” shaqadisii runta ahayd ayuu dib ugu noqday, xalkuse wuu ku adagyahay haduu siyaasiyiinta xidhan siidaayo, u daran oo mudaharaadyadu istaagi maayaan, haday ay sii xidhnaadaana ka daran.

Xaaladaha dhici kara marka dal sidan oo kale noqdo.

  1. In xaaladu faraha ka baxdo oo dagaal sokeeye dalka kadhaco
  2. In Abiy iscasilo (xalku waxay ku xidhantahay qofka badela)
  3. In afgambi military dalka ka dhaco
  4. In Abiy qudhiisu isdabciyo oo tanaasul badan sameeyo ama uu awood dheeri ah isticmaalo oo ku guulaysto inuu xoog xaalada ku dajiyo, oon xal raaga keeni doonin aragtidayda.

Hadaba soomaalida maxaa la gudboon, waxay ila tahay soomaalidu haysku tashato, dawlada deegaanka, Ururada mucaaradka ah iyo dhamaan bulshada soomaaliyeed gacmaha hays qabsadeen, midnimada ha xoojiyeen, waxsoosaarka xooga hala saaro si aan ooga maarano khudaarka kor inooga yimaada.

Dawlada deegaanku kaalin dhex-dhexaadnimo haka haka istaagto arimaha murugsan ee Ethiopia kasocda, maqabo inaan aad u dhexboodno waayo markasta bay wax isbadelikaraan.

guusheenu waa wadajirkeena.

WQ; Shafi Adamwaris Osman.

aadamwaris@gmail.com

Fiiro Gaara: Qoraalkan waa fikir gaar u ah qoraaga, waxii su’aal ah ama mahad naqa waxaad ugu aadin kartaan emailka Qoraaga. Ogaden Online masuul kama aha, xogta iyo aragtida qoraagu soo bandhigay.