Shirkada Moodey’s oo jaan-goysa qiimaha lacagaha ayaa sheegtay lacagta Ethiopia in qiima-dhac ku imaanayo, sida ay tabisay warbaahinta Reuters. Kelvin Dalrymple oo kamida madaxda shirkada Moodey’s ayaa macaamiishooda usheegay in ay rajaynayaan dhaqaalaha Ethiopia inuu sare ukaco 2% ookaliya, halka sanadkii 2019ka uu kor ukacay dhaqaaluhu ilaa 9%.

Kacdoonka kadhashay dilkii heesaagii Hachaalu ayaa dhaqaalaha dalka saamayn wayn kuyeeshay iyadoo isbuucii ugu horeeyay kacdoonku kujiro, walina uusan umuuqan mid dagay,ama laxakameeyay.

Shirkada Moodey’s waxay Bishii May ee sanadkan hoos ugu dhigtay dhaqaalaha Ethiopia Darajada loo yaqaano B2 oo macnaheedu yahay in uu kujiro dhaqaalaha wadanku halis aad uwayn.