Madaxweynaha Hirshabelle ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee gaara caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb si uu uga qeyb galo shirka halkaas khamiista uga furmaya madaxda dowlad goboleedyada.

Madaxweyne Waare ayaa goordhow lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha kadibna waxaa uu shir la qaatey Madaxweyne Axmed Qoorqoor kadibna waxaa loo gudbiyey guriga martida.

Berri ayaa lagu wadaa in halkaas uu ka furmo shirka dowlad goboleedyada halkaas oo ugu dambeyntii la filayo inuu kasoo baxo jiheynta siyaasadda dalka.

Madaxwayne Farmaajo ayaa ku fashilmay inuu madaxda dowlad goboleedyada isugu keeno caasimadda Muqdisho waxayna ka doorbideen iney goonni u shiraan.

Kulankan wuxuu dabasocdaa kulan lagu balansanaa inuu 5-tii July kaqabsoomo Muqdishu Caasimada Dalka. Shirkaasi oo uu kubaaqay Madaxwayne Farmaajo balse baaqday kadib markii Madaxwayne farmaajo  lagu eedeeyay inuu fulin waayay go’aamadii laysku ogaa ee lagu ansixiyay Bishii June kulankoodii  ku dhaxmaray qadka internet-ka Madaxda Dawlad Goboleedyada iyo Madaxwayne Farmaajo. Go’aankaas oo ahaa in hakad lagaliyo arinka doorashada inta uu kaqabsoomayo shirka lagu balansanaa oo ku astaysnaa 5-July balse Madaxwaynaha ayaa iska indhatiray balankaasi kuna dhiiraday in gudiga Doorashooyinka madaxa banaan hor yimaadaan Baarlamaanka soona gudbiyaan qorshahooda ku aadan doorashada arinaasina wuxuu siicakiray xaalada dalka iyo rajadii doorasho wakhtigeedii qabsoonta.