Mowjad 2aad oo kacdoon ah ayaa kasoconaya Itoobiya

Dilkii loogaystay heesaagii caanka ah ee Oromada ayaa abuuray kacdoon rabshada wata oo saameeyay  guud ahaan Kililka Oromiya,iyo caasimada dalka ee Addis Ababa, Koomishinka Booliska oromiya oo lahadlayay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaasi ayaa tibaaxay in rabshaduhu galaafteen nolosha inkabadan 81 qof oo ay 3 kamida yihiin Ciidanka Booliiska Oromiya.

Haacaaluu Hundeessaa, oo 34 jir ahaa waxaa lagudilay Addis Ababa30-kii June sanadkan, Heesaagan wuxuu caan ku ahaa Heesaha kacaanka oo door muhiim ah kuyeeshay kicintii dhalinyarada (Qeero) ee Qoomiyada Oromada xiliyadii kacdoonkii lagu riday dawladii Tigreegu ubadnaa ee EPRDF. Dhimashada heesaagu waxay sababta dibad-baxyo waawayn oo kuhulaaqay dhamaan deegaanka Oromiya, iyadoo dibad-baxayaashu dhulka lasimeen Taalooyinkii Boqoradii Abisiiniya. Taalooyinka la burburiyay waxaa kamid ahaa Taaladii dheerayd ee Boqor Mokanan oo Aabe u ahaa Boqor Xaylesalaase, kana qotomi jirtay badhatama magaalada Harar oo Boqor Mokanan xukumijiray waxaa sidookale ladumiyay taaladii Minilkh oo indhaha caalamka soojiidatay ayada oo aad uholcaysa badtamaha Caasimada Addis Ababa, waxaa iyadna dhalinyaro aad ucadhaysan ay dhulka lasimeen taaladii Xaylesalaase ee ku taalay xaafad kamida magaalada London-UK, xaafadaas uu xayleselaase waagii uu itoobiya talyaanigu ka soo masaafuriyay uu ku noola. Umadaha lasoo dulmiyi jiray, oo ay kamidyihiin Oromada iyo Somalida, waxay aaminsanyihiin in Boqortooyooyinkaasi masuul ka ahayeen dhul-balaadhsi sharci daro ahaa, xaqiraad iyo xasuuqna Lagula kacay dadyawgaas.

Siduu sheegay TV-ga dawladu, madax sare oo katirsan xisbiga OFC, ooy kujiraan Begele Garbo iyo ninka saamaynta badan ahna milkiilaha warbaahinta OMN, Jawhara Mohamed, iyo 35 xubnood oo kale ayuu boolisku Xabsiga utaxaabay. Waxaa sidookale laxidhay Eskinder Nege oo ah suxufi u ol’oleeya xuquuqda dadka ree Addis Ababa oo assal ahaan kasoo jeeda Qawmiyada Axmaarada.

Adanech Ababe, oo ah xeer ilaaliyaha guud ee Ethiopia,ayaa TV-ga dawlada kasheegtay in ay xukuumadu aad iyo aad isu xakamaysay, una dulqaadatay fikradaha siyaasadeed ee kasoo horjeeda, si looxaqiijiyo daganaanta iyo dimuqraadiyad, si looga gudbo xiligan kala guurka ah, iyadoo sheegtay,in xaataa ay jireen  siyaasiyiin iyo shacab ku xadgudbay nidaamka dalka balse aan wax talaabo ah laga qaadin.

Xukuumada Ethiopia waxay qaaday talaabooyin qalafsan ooy ku xakamaynayso dibad-baxyada,iyadoo xidhay isgaadhsiinta khadka internet-ka. Ma’aha markii koobaad ee dawlada Abiye Axmad qaadato talaabooyin noocana: Bishii Janaayo, waxay Hay’da Human Rights Watch sheegtay in dawladu gobolka Wellega ka jartay isgaadhsiinta telfoonada gacanta, iyo adeega internet-ka iyadoo gobolka kula diriraysa garabka wali hubaysan ee OLF.

Kacdoon dadwayne oo u eg kii halaakeeyay xukuumadihii dalalka Carbeed, hogaankana uhayeen dhalinyara ‘Qeero’ ee Oromiya, ayaa Ethiopia ka qarxay sanadkii 2016kii. Kacdoonka Qeero oo markii hore kakacay diidmada qorshihii dawlada Tigreegu hogaaminayay kudoonayeen in Caasimada lagu balaadhiyo degmooyinka kuxeeran Addis Ababa ahna dhulbeereed nolosha dadbadan oo Qawmiyada Oromada ahi kutiirsantahay. Saddex sano oo xidhiidha kadib kacdoonku wuxuu jilbaha dhulka ugu dhuftay xukuumadii EPRDF, waxuuna ku qasbay Raysalwasaarihii Xiligaasi Xalylemariyaam Dasaleen inuu iscasilo. Waxaana loodoortay in Abiye Axmad oo kasoojeeda Qawmiyada Oromada inuu dalka hogaamiyo inta kahadhay xilidoorashadeedka dalka.

Raysalwasaare Abiye wuxuu bilaabay isbadal xawli kusocday oo kusalaysan falsafada ‘’MEDEMER’’ qorshe uu ugu magac daray aan wax isku darsano, halana la iscafiyo, wuxuu kaladiray xisbigii EPRDF, wuxuuna kubadalay Xisbiga Barwaaqo, wuxuu fur-furay siyaasada dalka, wuxuuna hindisay siyaasad dhaqaale fur-furr ah, wuxuuna heshiis nabadeed la saxiixday dalka Eratariya wuxuu sidookale laheshiiyay dhamaan mucaaradkii hubaysnaa oo ay ugu tuntun roonaayeen ONLF iyo OLF. Sidaas ooy tahay, siyaasiyiinta Oromada kuwa u ol’oleeya xuquuqda Oromada iyo dadweynaha gobolkaasiba waxay shaki kaqabaan Falsafada aan aad wax looga aqoonin ee MEDEMER ee Dr Abiy Ahmed, waxayna Abiya ku eedeeyaan inuu baa bi’inayo nidaamka federal-ka Qoomiyadaha kudhisan, kuna badalayo nooc u eg kii xukuumadii Dhergiga ee Mingistu. Go’aanka  Raysalwasaare Abiya Axmed ku kordhistay mudada xilka dawladiisa waxay sii murgisay arimihii siyaasada ee cakiraa. Mu’aamarada siyaasadeed ee lagu dilay heesaagii da’da yaraa ee Oromada ahaa, iyo sida dawladu uwajdayba waxay soo labacelisay kacdoonkii Qeero.

Waxaa lawada ogsoonyahay in kacdoonkan sababay dhimashada inkabadan 81 qof sida xukuumadu qiratay iyo sidookale khasaare hantiyeed oo aad ubaaxad badan ayaa daaran cadhooyin isbiirsaday oo Qawmiyada Oromadu mudaba ladaalaa dhacaysay waxaana xaqiiqa ah in arinku kawaynyahay dilka Fanaanka kuwaynaa Oromada oo kaliya ee uu daaranyahay in Siyaasiyiinta iyo shacabka Oromadu kabiya diidsanaayeen habka uu Abiya Axmed umaareeyay doorashooyinka dib loodhigay iyo inuu hayo wadadii kalitalisyadii kahoreeyay oo kusalaysnaa qaybi oo xukun.