Qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee ku dhinta qalalaasaha iyo rabshadihii ka dhashay dilkii Fanaanka Oromada ahaa ayaa lagu sheegay Allaah ha u naxariistee inuu ku dhintay Xaashi Maxamuud Muuse.

qof  kamida qoyska Marxuumka ayaa sheegay in Xaashi dad hubaysan ku dileen agagaarka fayaanbiiro. Deegamadaas ayaa hada ka hor kacdoomadii hore ee Oromada waxaa jiray dad badan oo soomaali ah oo wax ku noqday. Illaa hada lama sheegin sababta loo dilay marxuumka iyo cidii falkaas gaysatay in la qabtay toona.

Hinda Xikma oo Marxuum Xaashi adeer u yahay baa baraheeda bulshada soo dhigtay tacsida adeerkeed, waxay sheegtay in dilka adeerkeed loogaystay la xidhiidho kacdoomada ka dhashay dilkii Hachaalu Hundesaa.

Xaashi Allaah ha u naxariito, waxa uu kamid ahaa shaqaalaha Maamulka dagmada fayaanbiiro,  Illaa hada waa qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee inta la hubo  ku dhintay kacdoomada cusub ee ka socday dalka Itoobiya.

Deegaamada Xuduudka xiga ee Soomaalida iyo Oromada ayaa hada ka hor sababay dhibaatooyin badan oo naf iyo hantiba lagu waayay, baro kacyo badana ka dhasheen, balse isbadalkii ka dhashay deegaanka baa xakamayn ku sameeyay coladahaas ka jiray xuduudka. Dilkan waxa uu cabsi badan galiyay dadka deegaanka oo ka xun in rabshadihii xuduudku soo laabtaan.