Shirka madaxda maadmul goboleedyada dalka Soomaaliya ayaa lagu wada innuu si rasmiya u furmo maalinta Sabtida ah 11/07/2020. Dibu dhaca shirka ku yimid ayaa lagu sheegay inay tahay maalinta Jimcaha ah oo ah maalin fasaxeed sidaas awgeed waxaa la doorbiday in maalinimada Sabtida ah uu si rasmiya u furmo.

Waxaa hada kusugan dhuusamareen dhamaanba madaxda maamul goboleedyada oo ay kamid yihiin Jubaland iyo Puntaland. waxaa jiray khilaaf siyaasadeed oo ka dhex jiray, dowlada dhexe iyo gaar ahaan maamulada Puntland iyo Jubaland oo dowlada dhexe ku dhaliilay inay majara habaabiyeen nidaamkii doorashooyinka looga hir galin lahaa dalka.

Waxaa la filayaa in kulankan diirada lagu saaro, sidii go’aan looga gaadhi lahaa doorashooyinka lagu wado inay ka dhacaan dalka Soomaaliya, iyo arrimaha ku hareeraysan sida arrimaha Amaanka.

Dowalda dhexe ayaa illaa hada ka hadlin kulanka ay maamul goboleedyadu isagu yimaadeen magaalada dhuusamareeb.