Waxaa isasootaraya Walaac lagaqabo weerar dawlada Abiy Ahmed kuqaado maamulka Gobolka Tigray-ga, iyadoo soo afjarantay wixii waan-waan ahaa ee lagurabay in Dawlada dhexe(DDH) iyo Dawlada Deegaanka Tigray(DDT) kuxaliyaan arimaha laysku mari la’yahay.

Raysul-Wasaare Abiy Ahmed wuxuu iskudayay in uu isbadalka dalka uukawado gaadhsiiyo DDT, waxaase diiday madaxda TPLF oo iyaguna iskudayay dhankooda in Abiy Ahmed uusan kusii fadhiyin kursigiissa ‘Arat Kilo’, xaalkuna wuxuu noqday ‘Nin Qabwayn iyo Nimaan ubaqabin’. umuurta ugu culus waa doorashadii dib loodhigay oo DDT diideen, isuna diyaarinayaan inay qabtaan bishan 8aad ee sanadkan 2020ka.

Hadaba walaaca weerar Abiy iyo xulufadiisu kuqaado DDT waxay sii xoogaysatay isbuucan kadib booqashada Abiy ee Eritrea. Abiy wuxuu boogtay goobo military oo aykamidtahay xerada 54aad oon abidkeed horay loogu ogolaanin qof shisheeya ah inuu cagdhigo. Waxaa kuyaala garoon ay leeyihiin ciidanka cirku, iyo dugsiyo tababar ciidan.

Waxaakaloo warar sheegayaan in isbuucan laxaqiijiyay ciidamo kumaandoosta Eritrea katirsan oo kusugan gudaha dalka Ethiopia,  gaar ahaan caasimada. Sidookale waxaa indhaha laguhayay heshiisyo dhexmaray dalalka Sudan iyo Eritrea oo ciidamo Eritrean ah loogu daabulayo gobolada xuduuda galbeed ee Sudan, goobtaas oo lagusheego inaytahay halkii aykagudbeen ciidamadii Ethiopia ee jabiyay difaacii Eritrea wakhtigii dagaalkii labada Dal 1998dii, wakhtigaas oolasheego Suudan inay  Ethiopia gacan siisay.

Dhaq-dhaqaaqyadan madaxda dawladaha iyo ciidamadu waxay abuurtay walaac lagaqabo in dagaal qarxo. Dhinacakale waxay ka abuurtay DDT xamaasad iyo asase daggaal inay bilaabaan: madaxweynaha DDT wuxuu sheegay Abiy Ahmed iyo Issias Afawark weerar kusoo yihiin Maqale. Baraha Bulshadana waxay Tigray-gu kawadaan habarwacasho ay dhalinyaradoodu isdhaafsanayaan, iyagoo ku goodinaya inay jabinayaan cadowgooda.

Dr Abiy Ahmed xukuumadiisa ayaa horay usheegtay inay weeraridoonaan DDT haday kafursanwaydo, eegana waxaad moodaa in taasi soodhawaanayso. Sidookale  isbuucan waxaa Addis Ababa iyo deegaamada kale ee Itoobiya ka socday olole lagulawareegayo hanti iyo dhulal lagu sheegay inay ay dad DDT lahaayeen.